Donald Trump oo ah hogaamiyaha dowladda Saliibiyada ah ee Mareykanka ayaa laalay xeerar gaaleed cadeynayay in dalkooda dib loogu celin karin Soomaalida qaxootiga ku ah dalkiisa.
Trump ayaa hadal uu ku daabacay bartiisa X Twitter ku sheegay in qeybo kamid ah Soomaalida ay gobolka Minisota ee dalkaasi Maraykanka ay ka wadaan wax uu ku tilmaamay argagax, islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto.
Madaxweynaha Saliibiga ah waxa uu si aan ka leexleexad lahayn u sheegay in wadankooda dib loogu celinayo Soomaalida, Trump ayaa marar badan carrabka ku dhuftay dadka Soomaalida inuu Tarxiilayo.
Muddo xileedkiisii hore waxaa Mareykanka laga soo tarxiilay 4 kun oo qof oo Soomaali u badan, isagoo Soomaalida u arka kuwa caqabad ku ah dhaqaalaha Mareykanka.
Soomalaida ugu badan ee ku nool Mareykanka ayaa daggan gobolka Minisota oo ah goobta oo hadda doonayo in laga tarxiilo.