Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in diyaaradaha dowladda Riddada ah ee Pakistan ay duqeymo laayaan ah ka geysteen magaalooyin katirsan wadankaasi waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad rayid ah.
Maanta gelinkii dambe ayay duqeymo dhowr ah ka dhaceen bartamaha magaalada Kaabuul ee caasimadda wadanka Afghanistan, jugta qaraxyo dhowr ah ayaa laga maqlay xaafado katirsan magaalada halkaas oo dhowr gantaal ay labeegsadeen diyaaradaha cadowga.
Dabiixullaahullaahi Mujaahid oo ah afhayeenka xukuumadda Imaarada islaamiga ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in diyaaradaha Pakistan ay beegsadeen guryo kuyaal Kaabuul islamarkaana uu dab qabsaday gaadiid booyado ah oo wadada marayay iyo dabdhaliyaan koronto arrinkaas oo sababay in qiic iyo uuro madoow ay cirka isku shareeraan.
Duqayn kale oo ka dhacday gobolka Qandahaar ee dhaca koonfurta Afghanistan ayaa sababtay dhimashada 12 qof shacab ah oo ay ka mid yihiin haween iyo carruur, imaarada islaamiga ah ayaa weeraradan ka yimid pakistan ku sifaysay duullaan gardarra ah iyadoona uga jawaabtay weeraro ay ku burburisay saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada xukuumadda Riddada Pakistan.
Waxaa burburtay xabad joojin ay labada dhinac kala saxiixdeen sabtidii lasoo dhaafay kadib markii ay ciidamada dowladda Riddada Pakistan ay weeraro ku qaadeen tuulooyin xuduud beenaadka dhaca arrinkaas oo ciidanka Imaarada Islaamiga ah ay uga jawaabeen weerar xoog kugal ah oo ay ku qaadeen saldhigyo melleteri.
Mas’uuliyiinta xukuumadda islaamiga ah ayaa ku eedeeyay Pakistan in ay fulinayso ajandayaasha Isbahaysiga NATO iyo Mareykanka kuwaas oo ah in lawiiqo awoodda islaamiga ah ee Afghanistan ka hana qaadday.