Duqaymo aad u culus oo ay gaysteen ciidamada maamulka sahyuuniyadda Yahuudda ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada caasimadda u ah dalka Yeman ee Sanca ee ay maamulaan wakiilada Iiraan ee Xuuthiyiinta.
Ciidanka millatariga Yahuudda ayaa shaaciyay inay weerarro culus oo jawaab celin ah ka fuliyeen gudaha dalka Yemen, ilo wareedyo ku sugan Sacna ayaa soo wariyay in jugta qaraxyo xooggan laga maqlay magaalada caasimadda ah.
Channelka 14-aad ee Yahuuddu leedahay ayaa sheegay in ciidankooda cirka ay bilaabeen weeraro ka dhan ah Yeman, sidoo kale ilo-wareedyo milateri oo Yahuudda ka tirsan ayaa Channelka 12-aad u sheegay in weerarada dhacaya ee xiriirka ah ay yihiin kuwa ay ciidamadoodu kaga jawaabayaan duqeymaha Xuuthiyiinta Yeman u adeegsanayaan gantaallada iyo diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn ee ay ka gaysanayaan deegaanada ay xoogga ku haystaan sahaayinada.
Ilo wareedyo ayaa soo sheegay in saddex ka mida weerarada ay ka dhaceen meel u dhow mandiqadda Cadhaan oo koonfur galbeed ka xiga caasimadda Yemen ee Sacna, Channel 14-ka ee Yahuudda ayaana sheegay in weerarka ujeedkiisu ahaa beegsiga xarunta madaxtooyada Sancaa ee Xuuthiyiinta, waxay sheegeen inay halkaas ku yaallaan goob ciidan, bakhaarro shidaal iyo laba xarumo koronto.
Ilo uu soo xiganayso telefishinka Yahuudda ee Channel 13 ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada gumeystaha ay bartilmaameedsadeen saldhig gantaal laga hago oo ku dhow madaxtooyada Sanca.
Warbaahinnnada taabacsan kooxda Xuuthiyiinta ayaa dhankooda sheegay in duqaynta Yahuuddu ku beegsatay xarunta shirkadda Shidaalka ee Sacnaa ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxay sidoo kale warbaahinta Xuuthiyiinta sheegtay in kooxaha ka howlgala difaaca Madaniga ay ku howlan yihiin sidii loo damin lahaa dabka ka dhashay duqaymaha gumeystuhu ka gaysteen Koonfurta iyo Galbeedka Sanca.