Diyaaradaha dagaalka ee dowladda saliibiyadda Itoobiya ayaa habeenkii xalay waxay duqaymo ka gaysteen gudaha degmada Jilib ee wilaayada islaamiga ah ee Jubbada dhexe, halkaas oo duqaymaha saliibiyiintu ka gaysteen khasaare hantiyeed oo aad u fara badan.
Diyaaradaha dagaalka saliibiyiinta Itoobiya oo duqaymaha u adeegsaday fuustooyin shidaal ka buuxo ayaa si gaar ah u beegsaday suuqa magaalada iyo jaamacadda Al-Qiimah oo ah goob waxbarasho oo dhammaantood goobo rayid ah, waxaana halkaas ku basbeelay hnati badan sida aan xog ku helnay, Allaah fadligiis waxaa dabkaasi la damiyay xilli dambe oo xalay ah.
Sida la ogyahay duqaymaha noocaan ah waa kuwa ku cusub Soomaaliya, waana siyaasad ay isla wadaan Itoobiya iyo maamulka Riddada ee Xassan Gurguurte, kaasi oo lagu doonayo in lagu baabi’iyo magaalooyinka dalka laguna gubo dhulka dhirta leh ee ay xooluhu daaqaan.
Waxaa xusid mudan in dhul badan oo Shabeellada dhexe iyo Hiiraan kuyaal ayay sidaan oo kale fuustooyinkaas ugu tuureen saliibiyiinta xabashida Itoobiya maalmihii la soo dhaafay.