Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in diyaarad xamuul ah oo milatari, una muuqata inay siday agabyo ciidan ay ku burburtay gudaha xerada Xalane gaar ahaan qeybta loo yaqaan M23, oo ku taalla duleedka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo amni, diyaaradda ayaa dhacday xilli ay isku dayeysay inay degto, waxaana la rumeysan yahay in badankoodii shaqaalihii saarnaa ay ku dhinteen shilkaasi.
Tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay weli lama xaqiijin, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in khasaaruhu yahay mid culus oo isugu jira mid nafeed iyo burbur baaxad leh oo hantiyeed.
Muuqaalo iyo sawiro lagu faafiyay mareegaha Intarnetka ayaa muujinaya qiiq madaw oo ka soo baxaya goobta shilka, iyo dab xooggan oo qabsaday gaadiidka UN-ka ee xerada Xalane ku sugnaa.
Shilkan diyaaradeed ee ka dhacay gudaha xerada Xalane ayaa ah dhacdo kale oo muujinaysa halista sare ee ka dhalan karta duulimaadyada milatari ee ay gaaladu ka wadaan dalkaan muslimka ah ee Soomaaliya, waxayna cadawga Allah tani uga dhigantahay duruus kale oo rabaani ah maadaama ummda Soomaaliyeed ay kula keceen diyaarahadaha gaalada weeraro wuxuushnimo oo baaxad leh.
FAAFREEB PRO