Laba maalmood kadib musiibadii shilalka diyaaradaha ee Mareykanka ku habsatay diyaarad kale ayaa burburtay saacadihii koobnaa ee lasoo dhaafay iyo dhammaan dadkii saarnaa oo wada dhintay.
Sida ay daabacday majalda Independent diyaarad nuuca yar ah ayaa ku burburtay magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka, waxaana lagu waramayaa iney sababsatay dab ka kacay diyaarada.
Maamulka duulista hawada ee Mareykanka ayaa sheegay in lix qof ay saarnaayeen diyaaraddaas kuwaas oo baaritaan dheer kadib la sheegay iney dhinteen oo aysan nafba dhul lasoo dhicin, maadaama diyaaradu kadib soo dhicisteedii ay sameysay qarax xoogan oo ay adagtahay inuu qofi ka badbaado waa sida la xaqiijiyey ee.
Waxaa mudooyinkan gudaha Mareykanka kusoo badanaya burburka diyaaradaha yar yar iyo kuwa waaweyn ee qaada dhowrka boqol ee qof, waxaana xusid mudan in labo maalmood ka hor ay dhacay diyaarad rakaab siday taasoo ay ku naf waayeen ilaa 67 qof, waxaana midan laga soo diiwaangaliyey magaalada Washington Dc.
FAAFREEB PRO