Diyaarad Drone ah oo Maraykaykan leeyahay oo lagu soo riday Yemen.

May 13, 2025

Gobolka Sacda ee waqooyiga dalka Yemen ayaa markale kooxda Xuutiyiinta ee maamusha waqooyiga Yemen waxay kusoo rideen diyaarad kale oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan MQ-9 Reaper oo uu leeyahay Mareykanka.
Sida ay ila degaanka ah usheegeen qaar ka mid ah warbaahinta caalamka, diyaaraddan ayaa lagu bartilmaameedsaday duleedka magaalada Sacda ee, iyadoo lagu dhuftay gantaal lidka diyaaradaha ah, taasoo sababtay in diyaaradu hawada ku qaraxdo kadibna dhulka kusoo dhacdo iyadoo gubaneysa.

Muuqaallo laga faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaaradda oo ku gubanaysa hawada. Dhacdadan ayaa timid xilli heshiis xabbad-joojin ah oo uu ku dhawaaqay Madaxweynha Maraykanka gaalka lagu magacaabo Donald Trump, kaas oo uu sheegay in Cummaan dhexdhexaadin ka ahayd. 

Heshiiskaas ayaa loogu talagalay in lagu yareeyo weerarada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodka muhiimka ah ee Baabul-Mandab iyo Gacanka Cadmeed.

Diyaaradaan ayaa ah tii 27aad ee nooca loo yaqaano MQ9 oo ay soo ridaan kooxda Xuutiyiinta tan iyo markii ay bilowdeen iska hor’imaadyada u dhaxeeya Mareykanka iyo Xuutiyiinta.

Weerarkan cusub ayaa si weyn u shaki geliyay hirgelinta heshiiskaas. Warbaahinta Mareykanka iyo saraakiil amni ayaa xaqiijiyay in dhowr diyaaradood oo drone ah la waayay toddobaadyadii u dambeeyay, taasoo muujineysa in weerarrada Xuutiyiinta ay sii xoogeysanayaan.

Xiisadda ka taagan Yemen ayaa markan u muuqata mid mar kale cirka isku sii shareeraysa, iyadoo la filayo in Mareykanka uu dib u eego siyaasaddiisa ku aaddan gobolka, iyadoo qaar ka mid ah madaxda waxa loogu yeero beesha caalamku ay sheegayaan in Halista ku wajahan maraakiibta iyo amniga badda ayaa sii xoogeysan karta haddii aan la helin xal degdeg ah.

XIGASHO SOMALIMEMO