Dibaxyada ka Dhanka ah Kooxda Gurguurte oo Markale dib u Dhac ku Yimid.

Oct 9, 2025

Dibadbaxyadii siyaasiyiinta mucaaradka Riddadu qorsheynayeen in maanta oo Khamiis ah ka dhacaan caasimadda Muqdisho ayaa dib u dhacay, kaddib kulamo habeenkii xalay dhacay oo dhexmaray mucaaradka iyo saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Riddada.

Kooxda Ridada ee uu hoggaamiyo murtad Gurguurte oo cabsi wayn ka qabto isku soo baxyada mucaaradku wadaan ayaa taliyeyaasha sirdoonka Riddada iyo kan Booliiska u dirtay siyaasiyiinta mucaaradka, si loo joojiyo dibadbaxa ka dhanka ah kooxdooda.

Mucaaradka ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inay hakiyeen isku soo baxii ay maanta ku qaban lahaayeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga soo horjeedo kooxda Riddada ee uu hoggaanka u hayo Gurguurte.

Dibadbaxa ayaa la sheegay in dib loo dhigay muddo 10 maalmood, xubnaha mucaaradka ee la kulmay saraakiisha Riddada waxaa ka mid ah Xassan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdiashakuur, halka kooxda Riddadana soo dirtay Mahad Salaad oo ah taliyaha sirdoonka Riddada iyo Asad Diyaano oo ah taliyaha Booliiska Riddada.

Murtad Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee qaybta ka ahaa kulankii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay inay dib u dhigeen isku soo baxyada.

Waa markii labaad oo uu baaqdo isku soo baxyada mucaaradka ee ka dhanka ah kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo Gurguurte, kuwaasi oo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho.