Mudaharaadyadan oo watey halku-dhegga ah “No Kings” ayaa bannaanbaxayaashu sheegeen in ay kaga soo horjeedaan waxay ku tilmaameen gumeysiga maamulka Trump.
Sabtigii ina dhaaftey ee shaley waxa ay bannaanbaxyadu ka dhaceen dalkaasi Mareykanka iyada oo dadka isu soo baxay lagu qiyaasey ilaa 7milyan oo qof.
Trump oo ka warhelay bannaanbaxyada ayaa uga jawaabey qaab uu ku liidayo bannaanbaxayaasha.
Trump waxa uu bartiisa soo dhigay muuqaal lagu sameeyay AI(Artificial Intelligence” kaas oo uu saaran yahay diyaarad ay ku qoran tahay King Trump isla markaana uu xiran yahay taashkii boqorka.
Trump ayaa muuqaalka macmalka ah ee uu soo bandhigey bannaanbaxayaasha ku daadinayey wasakh. Hab dhaqanka Donald Trump ayaa ka yaabiyey dad badan oo daafaha dunida ku sugan.