Dhul gariir xooggan oo cabirkiisu yahay 6.0 ayaa ku dhuftay gobolka Kunar ee waqooyi-bari Afghaanistan, kaas oo sababay khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Wararka ka imaanaya halka uu dhulgariirku ka dhacay ayaa sheegaya in ugu yaraan 800 qof ay ku dhinteen, halka dhaawacyaduna ay ka badan yihiin 1,000 kale.
Dadaallo lagu baadi-goobayo iyo badbaadin loogu sameynayo dadka ku go’doonsan guryaha burburay ayaa weli socda.
Xaalada ayaa sii cakirmatay, maadaama marinada qaar ee lagu gaari lahaa dadka go’doonsan ay xirnaayeen, hase yeeshee wasaaradaha kale duwan ee dalka ayaa ku hawlan dadaallo gurmad ah oo ballaaran si dadka dhibaatadu saameysay loogu helo caawimaad degdeg ah.
Afhayeen u hadley wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka Islaamiga ah ee Taliban ayaa sheegay in dhulgariirku sababay burburka boqolaal guri oo ku yaal deegaanadii uu saameeyay.
Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Afghaanistan ayaa xaqiijisay in tirada dhimashada iyo dhaawacu ay aad u badan tahay, iyadoo kooxaha gurmadkuna weli ku sugan yihiin goobaha ay dhibaatadu ka dhacday.
Hoos Ka Daawo Sawirro Arimahaa ku Saabsan.
FAAFREEB PRO