Afrika, qaarad qani ku ah kheyraad rabaani ah oo aan gurin duniduna ay usoo hanqal taageyso sanadba sanakda ka dambeeya, goob laga helo saliid ceyriin ah, dahab, dhuxul, uranium, copper, cobalt, coltan iyo macdano kale oo muhiim ah kuwaas oo manta dunida kale ay hardan ugu jirto sidii ay u heli lahayd.
Qaaraddan waxa ku jira qiyaastii 30% khayraadka dunida oo dhan, waxaana ku yaala dhul beereed ballaaran iyo awood tamareed oo aanan la weynin marnaba, sidaas oo ay tahay, dalalka Afrika weli waxay ku jiraan meelaha ugu saboolsan dunida, iyagoo la daala dhacaya colaad, musuqmaasuq miciyo yeeshay iyo saboolnimo gaamurtay sanado badan.
Arrintani waxay dhalisay doodo culus oo marka aad dhagta u raariciso ku dul wareeganaya oraahda ah “Afrika waa bohol madoow oo ay dhax ceegaagaan hanti habeen qura badali karta noloshada bulshada qaarada”.
Hadaba warbixintan waxan ku lafa guri doonaa heerka hodantimo ee wadamada qaar ee Afrika iyo waxyaabaha ugu daran ee ay madaxa sare ugu qaadi la’adahay qaarada marka laga hadlayo in bulshadeeda ay tuuraan furka farqiga, inagoo soo xigan doonaa warbixino iyo diraasaad la sameeyey mudooyinkii dambe.
Ugu horeytnii warbixintu waxay ka jawaabeysaa su’aasha ah waa maxay Resource Curse ama Habaar dhaqaale?
Khubarada dhaqaalaha iyo siyaasadda waxay muddo dheer ka doodayeen waxa loo yaqaan “resource curse” ama Habaar dhaqaale oo umadi ku habsada, waa in shucuub Allah uu dhulkooda galiyo kheyraad hadana aysan ka harin dambiisha faqriga, oo ay u sabab tahay wax ay iyagu gacmohooda ku kasbadeen.
Diraasad lagu daabacay boga ScienceDirect sanadkii 2019 ayaa muujisay in dalalka leh hay’ado daciif ah iyo madax musuqu dilooday uu khayraadkoodu noqdo isha colaadda iyo saboolnimada, waana midaas Afrikana xaqiiqada qaraar ee ay maanta wajaheyso.
Sandkii 2023 Bangiga Adduunka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in haddii dakhliga macdanta ee Afrika loo adeegsado qaab hufan oo nidaamsan isla markaana la sameeyo keyd dhaqaale oo dambe ay qaaradu noqon lahayd mid hodan ah, balse xaalada maanta taagan ayaa ah mid marba marka ka dambeysa u sii siqeysa dhanka dagaalo sokeeye, saboolnimada, shisheeye kalkaal iyo Ajnabi soo hogaamin si loogu wareejiyo kheyraadka loogana helo dhaqaale yar.
Hadaba aan milicsano qaar kamdi ah wadamada maanta farta lagu fiiqi karo ee ku sugan xaaladaha aan soo xusnay waliba iyagoo heysta kheyraad tira beel ah oo ay ku badali karaan marxaladaha qaraar.
Koow: dalka Koonfur Sudan, Saliid aan laga faa’ideysan iyo saboolnimo iyo dagaalo aan dhamaan.
Wadanka oo sanadkii 2011 si toos ah uga go’ay Suudaan inteeda kale waa mid hodan ku ah saliida dabiiciga ah, warbixin kasoo baxda QM 2 maalmood ka hor ayaana daaha ka qaaday in madaxda dalkan musuqoodu uu noday mid xarga goosed ah iyagoo waqti aanan fogeyn lunsaday in ka badan $1.7 bilyan oo doollar, iyadoona shacabka wadankaas ay la ildaran yihiin gaajo iyo ineysan heysan adeegyada muhiimka ah.
Labo: Suudaan Dahab dagaal mooyee aan laga dhaxlin xasilooni waarta iyo in laga faa’ideysto si looga gudbo marxaladaha adag.
Sida uu baahiyey wargeyska Financial Times Suudaan waxa sanad walba laga qodo tobannaan tan oo dahab ah, qiimaha sanadlaha ah ayaana lagu qiyaasay in ka badan $6 bilyan oo dollar, laakiin xaqiiqada ayaa ah in kala bar ka badan dahabkaasi la tahriibiyo oo loo qaato qaab hoose iyadoo ay ka faa’ideystaan Labada dhinac ee is haya ee ay kala hogaaminayaan Cabdi Fitaax Al-Burhaan iyo Maxamed Xamdaan Doglo.
Waxa uuna joornaalku cadeynayaa in dahabka Suudaan uu hada noqday mid looga faa’ideysto soo iibsiga hubka nuucyadiisa kala duwan si colaada loo sii huriyo, taasoo muujineyso ayey saxiifadu leedahay in barwaaqadii balo loo badalay balo aan dhamaan.
Sedex: Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Macdan midabo kala duwan leh balse dhiiga uu ku dul qubanayo.
Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxa uu haysataa macdan qiimeheeda lagu qiyaasay lacag gaareysa ilaa $24 trillion oo dollar, waxaa dalkan laga helaa macdanada ugu doonista badan dunida, sida cobalt iyo coltan waxaa sidoo kale Meesha aanan ka barneyn dahabka.
Dalka intan oo kheyraad ah dhulkiisa ku jiraan waxa uu sanado badan la daala dhacayaa Conflict Minerals ama colaada macdanta, kooxo hubeysan iyo siyaasiyiin jeeb weyn ah ayaa si sharci darro ah uga ganacsada macdanta, waxaana midaas laga dhaxlay xiisado aan dhamaan iyo in la lunsado lacago malaayiin dollar ah.
Afar: Nigeria iyo Angola Saliid lagu lunsaday bilaayiin dollar.
Inkastoo wadamada Nigeria iyo Angola ay kamid yihiin dalalka ugu waaweyn ee soo saara saliidda Afrika, hadana weli waxa ay ku jiraan liiska wadama ugu musuqmaasuqa badan caalamka, waliba siyaasiyiintoodu ay lunsadaan lacago tira beel ah oo ay ka macaasheen kheyraadka dadka ka dhexeeya.
Tusaale ahaan dowladda Angola, intii u dhaxaysay 1997 ilaa 2002 waxa lunsatay $4.2 bilyan oo dakhli saliid ah, tan iyo wixii xiligaas ka dambeeyey ilaa maantada oo sanadku yahay 2025, waxay xukuumada wadankan ka arimisa wali lugta ku heysaa dhabahaas iyo mid kasii daran.
Liberia, Ivory Coast, Somalia, Botswana, Zambia, Ghana, Libya, Mozambique, Namibia, Sierra Leone, Mali, Burkina Faso, iyo Niger iyaguna waa lamid marka laga hadalyo xaalada musuqa ah iyo in afraad kooban ay afka marsadaan lacagta ay ka helaan kheyraadka, halka bulshaduna ay la daala dheceyso marxaladba marxalada ay ka liidato, dadyow ku nool wamadan ayaana abid arag iftiinka leyrka iyadoo macadnta wadankooda laga saaro ay tahay mida ifisa caasimada yurub ee ay Paris ugu horeyso.
Waxaa jira kacdoono ay mararka qaarkii sameeyaan jiilka soo koraya si ay uga baxaan marxaladn, ayna uga hortanaa waxa mustaqbalkooda aanan u wanaagsaneyn ee siyaasigu falkiyo, balse xukuumadohooda ayaa qamcin iyo qoriga afkii kaga hortaga talaabo waliba oo ay isku dayaan.
Ka Dhagayso Halka Hoose Iyada oo cod ah.