DEG DEG: Mujaahidiinta oo Weeraray Xero uu ku Suganyahay Odowaa Yuusuf Raage.

Dec 13, 2025

Ciidamada mujaahidiintu waxay goordhow madaafiic culus ku garaaceen xerada maleeshiyada Riddada ee Hiilweyne oo kutaala waddada dheer ee xiriirisa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo degmada Balcad ee Sh/dhexe.

Madaafiicdu waxay Allaah fadligiis ku dhaceen gudaha xerada, waxaana xusid mudan in xilliga duqayntu dhacaysay uu xerada ku sugnaa taliyaha guud ee maleeshiyaadka Riddada murtad General Odowa Yuusuf Raage, halkaas oo uu ka socday kulan uu la lahaa saraakiil ka tirsan murtadiinta.

Xog faahfaahsan lagama helin khasaaraha ka dhashay weerarkan, balse wixii kasoo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonnaa Insha’Allaah.