Mujaahidiinta oo Cagta Mariyay Xero Ceel-qooxle Duleedkeeda & Qaraxyo ka Dhacay Gedo iyo Sh/Dhexe.

Jun 25, 2025

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa cagta mariyey xero maleeshiyaatka ridada ay ku lahaayeen duleedka deegaanka Ceel-qooxle ee Hiiraan, waxaana halkaasi lagu dilay 9 askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay 5 kale.

Mujaahidiinta ayaa weerarkaani kusoo qaniimeystay 2 qori oo RPG ah, qori PKM ah, dhowr qori AK47 ah iyo gaari Nooha ah.

Murtadiinta lagu dilay weerarkaani waxaa kamid ah, Gaabow Cabdullaahi Cilmi, iyo Abuukar Cusmaan Xaalle, sidoo kale Murtadiinta weerarkaani lagu dhaawacay waxaa kamid ah, Muuse Cali Xaalle Waasuge (Muuse Naliye) oo ah sarkaal, waxaa soo gaaray dhaawac culus.

Gedo:

Mujaahidiinta ayaa gudaha degmada Baladxaawo waxay qarax kula eegteen maleeshiyaat ka tirsan ridada gaar ahaan kuwa sirdoonka, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 2 askari oo murtadiin ah .

Shabeellada Dhexe:

Mujaahidiinta ayaa qarax ku gubay gaari C/Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaat murtadiin ah kuwaasi oo marayey duleedka degmada Cadale, waxaana qaraxaasi ku dhintay 2 askari, halka 6 kalana ay ku dhaawacmeen.