Saaka aroortii hore ayaa diyaarad helicopter ah oo nooca Mi-24 ah oo ay leedahay dowladda Uganda si lama filaan ah ugu burburtay gudaha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, gaar ahaan qaybta loo yaqaan M23, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo rasmi ah iyo war kasoo baxay dowladda Uganda.
Diyaaraddan oo ahayd nooca loo adeegsado howlgallada milatari, ayaa kasoo duushay saldhigga ciidamada Balidoogle, waxayna ku socotay dhanka garoonka Aadan Cadde sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday dawladda salibiyadda ah ee Uganda.
Diyaaraddan ayaa siday hub iyo qalab milatari, waxaana la sheegayaa in mid kamid ah agabkaas uu si lama filaan ah ugu dhex qarxay, kaasi oo sababay burbur gaarey dhismayaal ku dhow halka ay diyaaradda ku dhacday.
War kasoo baxay dowladda Uganda ayaa lagu xaqiijiyay in shilkaasi uu sababay dhimashada shan kamid ah 8-dii ruux ee saarnaa diyaaradda, halka inta kale oo qaba dhaawacyo culus lagu dabiibayo isbitaalka ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.
Ilaa hadda lama caddeyn sababta dhabta ah ee qaraxa, balse waxay dhacdadu dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan heerka ammaanka, habka maaraynta hubka gudaha garoonka iyo sida ay suuragal ku noqotay in hub noocaas ah uu diyaarad saarnaado, iyadoo lagu jiro xilli xasaasi ah oo magaalada Muqdisho ay wajahayso xaalado amni oo liita.
FAAFREEB PRO