Darawallada Bajaajta Muqdisho oo Sheegay in ay Shaqa Joojin Sameyn Doonaan.

Dec 7, 2025

Kumanaan kamid ah darawallada kaxeeya gaadiidka Moota Bajaajta ayaa ku dhawaaqay in ay shaqa joojin sameyn doonaan sababa laxiriira cadaadis ay kala kulmayaan maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya.

Guddiga Bajaaleyda Muqdisho ayaa shaaciyay in qaban doonaan iskusoo bax ballaaran islamarkaana ay sameyn doonaan shaqa joojin guud.

waxay sheegeen in ay ka cabanayaan maleeshiyaadka murtadiinta oo isbaarooyin tirabeel ah soodhigtay isgoysyada gobolka Banaadir islamarkaana ka qaadaya lacago ay ugu yeereen canshuur balse ah baad.

Bajaajleyda ayaa carrabaabay in maleeshiyaadkii kooxda Riddada soomaaliya ee isagasoo cararay furimaha dagaalka ay baarasho iyo gacma -gacmaysi ku hayaan gaadiidka ka shaqeeya degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaad isugu jira ashahaadda ladirir iyo melleteri ay waddooyinka tubanyihiin ayna bajaajleyda ka qaadanayaan lacago baad ah halka kuwa kale ay baaritaanno saacado badan qaata ku sameynayaan gaadiidka iyagoo waqtiga ka lumminaya arrinkaas oo ay ku tilmaameen mid caqabad weyn ku ah shaqadooda.