Geeska Afrika waa marin istaraatiiji ah oo isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, taasoo ka dhigtay meel lagu xisaabtamo marka la eego danaha siyaasadeed, dhaqaale iyo milatari ee quwadaha waaweyn, Shiinaha oo sanadihii dambe si xowli ah ugu fidayay caalamka ayaa si gaar ah u danaynaya gobolkan gaar ahaan Soomaaliya oo leh xeebaha ugu dheer qaaradda Afrika iyo kheyraad dabiici ah oo kala duwan.
In kasta oo Shiinuhu isku muujinayo mid gacan-wanaag iyo horumar bixinaya, haddana waxa marba marka ka dambeysa soo baxaya hagardaamooyin qarsoon oo ku hoos jira mashruuc walba oo ay fulineyso xukuumada Biijiin.
Waxaana warbixintaan Allah idankii ku eegi doonaa arimahaas inagoo daaha ka rogi doona damaca guracan ee Shiinaha inagoo soo xigan doona warbixino kala duwan oo la nashrinayey sanadihii lasoo dhaafay.
Koow: Joogitaanka Shiinaha ee Soomaaliya ee la huwiyey gargaarka bani aadanimo balse lagu hoos qariyey hagardaamooyinka.
Shiinuhu waxa uu sanadihii dambe Soomaaliya ka fuliyay mashaariic badan kuwaas oo ay kamid yihiin dhismayaasha dekedaha, waddooyinka, isbitaallada iyo garoomada, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Xinhua, Shiinuhu waxa uu ku deeqay Soomaaliya malaayiin doolar oo gar gaar ah, lana xiriira horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Laakiin su’aasha muhiimka ah ayaa ah: ma u jeeddo waddaniyadeed ayaa ka dambaysa, mise dan siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale oo sirgaxan?
Shiinaha waxa uu heshiisyo badan la galay dowladda ridada Soomaaliya, balse waxay u badan yihiin kuwo aan hufnaan lahayn sida lagu sheegay warbixin ay daabacday The Guardian sanadkii lasoo dhaafay ee 2024, waxaana lagu yiri nuqul kamid ah warbixintaas “Shiinuhu wuxuu dhaqaalihiisa badanaa u adeegsadaa si uu u xakameeyo dawladaha saboolka ah, isagoo ka faa’iideysanaya daciifnimadooda.”
Sidoo kale warbixinada ayaa muujinaya in Shiinuhu dhismayaasha uu kawado dekedaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya ay ku hoos jirto dano kale oo militari taasoo aysan ku baraarugsaneyn Soomaali badan.
Dhismaha dekedaha sida midda Hobyo iyo Berbera waxaa ku hoos jira arrimo la xiriira qalabeyn saldhigyo iyo xarumo sirdoon, waxay tani caddaanaysa in Shiinuhu uusan wadin wax la dhoho dib u dhis dakadeed ee uu wato danihiisa gaarka ah uuna raadineyo joogitaan milatari oo si dadban u fida.
Wargeyska Foreign Policy ayaa bishii Janaayo ee sanadkaan 2025 qoray warbixin nuqul kamid ah ay ahayd “Saldhigga Shiinaha ee Djibouti wuxuu ahaa tijaabo guuleysatay, taasoo hadda dhiirrigelisay in laga hirgeliyo meelo kale oo muhiim ah oo gobolka ka tirsan.” taasoo si cad u muujineysa in meesha xigta ee Shiinuhu uu indhaha ku haayo ay hadda tahay Soomaaliya marka laga hadlayo gobolka geeska Afrika.
Fashilka Shiinaha uu kala kulmay Yurub iyo Aasiya marka laga hadlayo dhaqaale boobka iyo Afrika oo uu u arkay beylah cidna aysan ka hor taagneyn, iyaduna waa qodob aan ku dul istaagi doono warbixintan.
Shiinuhu waxa uu wajahaya caqabado dhaqaale iyo siyaasadeed oo culus kuwaas oo uga imaanaya dhanka qaaradaha Yurub iyo Aasiya, kuwaas oo intooda badan waqti xaadirkaan laga qariyo warbaahinta maadaama Shiinuhu uu doonayo inuu mustaqbalka noqdo badiilka reer yurub.
Warbixinada ayaa muujinaya in hindisaha Belt and Road Initiative oo loo soo gaabiyo (BRI) laga laabtay dowladda Shiinaha, mashruucan ayaana Biijiin kasoo gali jiray malaayiin dollar oo sanadle ah.
Waddamo badan oo Yurub iyo Aasiya kamid ah, sida Talyaaniga, Malaysia iyo Czech Republic, ayaana hindisanahan ka baxay, sababo la xiriira dayn ku rididda iyo hufnaan la’aan sida lagu shaaciyay warbixin ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters.
Fashilkaas iyo kuwa kale oo fara badan ayaa sababay in Shiinuhu uu si buuxda ugu jeesto Afrika, si markaan uu damacyadiisa uga hirgaliyo dhulal badan oo dhaca qaarada oo ay ku jirto Soomaaliya.
“Shiinuhu wuxuu Afrika ka helay il dhaqaale oo xor ah, aan su’aalo badan la iska weydiin, taasoo ka duwan Yurub iyo Aasiya oo tallaabooyin sharciyeed horay uga qaaday.” waxaa sidaas lagu yiri warbixin ay daabacday shabakada wararka ee Al-Jaziira.
Shaqo abuurka beenta ah ee Shiinaha iyo siraha ku hoos duugan arinkaas.
Inkastoo ay u muuqato in Shiinuhu uu wax badan dhisayo, haddana xogo badan ayaa muujinaya in aysan jirin shaqo abuur rasmi ah, balse ay kaliya faa’iido ku helaan shirkado Shiinays ah.
Warbixin ay daabacaday mid kamid ah warbaahinada Ingiriiska sanadkii 2024 ayaa sheegeysa in qandaraasyada mashaariicda uu Shiinuhu bixinayo ay si toos ah ugu dhacaan gacanta shirkado laga leeyahay wadanka Shiinaha, ganasatada iyo xoogsatada Soomaaliyeedna aanan si siman looga qeyb galin midkii helana uu qaab eex ah lagu siiyey.
Sidoo kale waxaa jirta cabsi laga qabo in mashaariicdaasi ay dalka gelinayaan deyn aan laga bixi karin, taasoo xukuumadda ridada ah ee Muqidisho u horseedi karta in ay khasab ku noqoto in ay siiso Shiinaha kheyraad dabiici ah sidaba horay loo arkay.
Joogitaanka Shiinaha ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika wuxuu noqday mid ay ku dhisan tahay si hoose loo naafeeyo wadamada soo koraya, min laga soo bilaabo galbeedka qaarada iyo jihooyinkeeda kale oo dhan ayeyna dowladda Shiinaha qorsheyneysaa iney ka fuliso damacydeeda guracan sida lagu waramayo.
Sida ay sheegtay majalada The Economist dalalka Afrikada Bari oo ay Soomaaliya ka mid tahay waxay halis ugu jiraan in ay noqdaan dalal lagu tababarto xeeladaha istaraatiijiyadeed ee quwadaha, oo ay ula jeedo iney Soomaaliya noqoto Academy-yad lagu barto sida wax loo boobo iyo sida loo meel mariyo ajandayaasha guracan hadana qarsoon.
GUNNAANAD: Cadawga kala duwan ee dalkan kusoo duulay iyo murtadiinta doonaya iney u garab qabtaan shacabka Soomaaliyeed ayaa marba marka ka dambeysa soo huwanaya shaar cusub, balse xarakada mujaahidinta Al-Shabaab ayaa si xoogan ugu xusul duubaneysa marwalba iney dalkaan ka dafciso cadwga kala duwan, waliba iyadoo Alle ka soko kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed si wadankan looga xoreeyo gaalada iyo murtadiinta dhiig miiratada ah.