Dalxiiseyaal Yurubiyaan ah oo ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Dalka Kenya.

Oct 28, 2025

Shil gaystay khasaare nafeed iyo mid burbur ayaa shalay ka dhacay mid ka mid ah ismaamullada Kenya, kadib markii ay dhacday diyaarad yar oo sidday dalxiiseyaal kasoo jeeda qaaradda Yurub.

Tv-ga Citizen, ayaa sheegay in diyaaraddan ay saarnaayeen 12 qof, taasi oo uu tilmaamay inay ku burburtay deegaan lagu magacaabo Tsimba-matuga (Tisimba-matuga) ee ka tirsan ismaamulka Kwale.

Wuxuu Telefishanku sheegay in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda ay ku dhinteen shilka, maydadka dadkii rakaabka ahaa ayuu sheegay inay gubteen oo la aqoonsan kari waayay.

Wakaaladda wararka ee Reuters soo soo xiganaysa shirkadda duulimaadyada ee Mombasa Air Safaari, ayaa sheegtay in diyaaradda ay sidday 10 dalxiiseyaal ah oo sidddeed ka mid ah ay kasoo jeedeen waddanka Hungary (Hangari) iyo 2 kale oo kasoo jeeda Germany (Jarmalka), duuliyaha diyaaradda ayay sidoo kale sheegtay in uu kasoo jeeday Kenya.

“Waxaa nasiib darro ah in aanay jirin cid ka badbaaday shilka,” waxaa sidaas lagu yiri qoraal ay soo saartay shirkadda duulimaadyada ee lagu magacaabo Mombasa Air Safaari.

Hay’adda duulista hawada ee Kenya ayaa dhankeeda warbixin ay soo saartay ku sheegtay in shilkan uu abbaare 8:30 subaxnimo ee wakhtiga maxalliga ah ee shalay ka dhacay ismaamulka Kwale oo u dhow xeebta badweynta Hindiya.

Waxay intaas ku dartay in diyaaradda ay ku socotay socdaal daxlxiis oo ay ku maraysay inta u dhexeysa Diani (Diyaani), oo kutaal xeebta iyo Kichwa Tembo (Kijwa Tembo) oo kutaal keynta dalxiiska ee Maasai Mara (Maasayi Mara) ee gudaha Kenya.

Waa mid ka mid ah shilalka diyaaradeed ee ka dhaca Kenya, kuwaas oo ay galaan dalxiiseyaasha reer galbeedka ah iyo saraakiisha iyo ciidanka Kenya, mid ka mid ah shilalkii diyaaradeed ee ugu caansanaa ayaana dhacay 18-kii April 2024-kii, kaasi oo uu ku dhintay taliyihii ciidanka difaaca Kenya,General Francis Ogolla, halka shil kaas la mid ah oo dhacay 10-kii bishii June 2012-kii uu ku dhintay George Saitoti (Jowrj Saytoti) oo ahaa wasiirkii amniga dowlada Kenya iyo ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo ilaaladiis iyo kaaliyeyaashiisa ah.