Dalka Afgaanistaan ayaa laga arkaya xaalad dunidda oo dhan soo jiidatay, waana in dalxiise kasta oo booqda Afgaanistaan wuxuu qaadanayo Diinta Islaamka, laga soo billaabo bartamihii sannadkii hore ee 2024.
Ruuxa hada ugu dambeeya ee la xusi karo dalxiisana ahaa diinta islaamkana qaatay waa Edward Andres oo ah 37 jir una dhashay dalka Canada, waxa uu magaciisa u badalay Maxamed Akbar, mar uu sharraxayay sababta uu diinta Islaamka u qaatayna wuxuu yiri ; “Caqiidada diineed, soo dhawaynta, iyo anshaxa Islaamka ee Afgaanistaan ayaa qalbigeyga soo galay, waxaana go’aansaday inaan qaato Diinta Islaamka.”
Madaxa waaxda warfaafinta iyo dhaqanka Afgaanistaan Mohammad Xanafi ayaa dhankiisa sheegay inay dalxiisayaashu iyagu go’aansadeen inay qaataan diinta Islaamka, iyaguna ay gacmo furan kusoo dhaweeyeen kana saacideen.
FAAFREEB PRO