Dalalkii ugu waa Weynaa Nidaamka Tamarta Korontada Asia oo Shaaciyey Iney ka Bexeen.

Feb 11, 2025

Dalalka Estonia, Latvia iyo Lithuania ayaa markii u horreysay ka baxay nidaamkii tamarta korontada ee ay la wadaageen Ruushka iyo Belarus.

Sida ay baahiyeen jaraa’idyo fara badan oo uu ugu horeeyo Washington Times, dalalka Estonia, Latvia iyo Lithuania ayaa si kama dambeys ah daaha uga rogay iney wixii hadda ka dambeeya xiriirkii dhanka tamarta korontada ee kala dhexeeyey wadamada Ruushka iyo Belarus ay jareen kaa oo soo jiray tan iyo xilligii Soofiyeedka.

Waxay sidoo kale dalalkan shaaciyeen iney ku biirayaan yurub inteeda kale marka laga hadlayo tamarta korontada, waana talaabo in muddo ah ay sugayeen dhamaan inta ay loolanka ku wada jiraan xukuumada Moscow.

Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in midan ay caalamd u tahay isbeddel weyn oo kusoo wajahan isdhexlida nidaamka tamarta Yurub iyo sida waddamada xubnaha ka ah NATO iyo Ruushka u kala fogeyn doonto xaaladooda.

Gabagabadii waxay warbixintu sheegeysaa in tani ay timid in ka badan soddon sano ka dib burburkii Midowgii Soofiyeeti, waxayna soo afjartay xiriirkii nidaamka tamarta Baltic-ga ee saliidda iyo gaaska kaas oo ay hogaanka u heysay dowladda Ruushka.

FAAFREEB PRO