Deegaanka Raaskambooni ee katirsan gobolka Jubbada-Hoose, waxaa saaka ka billaawday dagaallo udhaxeeya maleeshiyaatka Kooxda Ridada Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Dagaallada ayeey labada dhinac isku eedaynayaan in midba midka kale uu bilaabay, waxayna wararkii ugu danbeeyay ay xaqiijinayaan in uu dagaalku ilaa hada socdo.
Maamulka Jubbalanad ayaa war uu soo saaray waxa uu ku sheegay in maleeshiyaatkii murtad Gurguurte maalmahaan kasoo daabulayay Mogdisho ay saaka weerar soo qaadeen, maleeshiyaatkoodana ay iska difaaceen islamarkaana ay qabteen maleeshiyaatka Gurguurte.
Warbaahinta maamulka Axmad Madoobe ayaa sheegtay in ay si rasmi ah gacanta ugu dhigeen deegaanka Raaskambooni,islamarkaana ay qabten ku dhawaad 40 katirsan maleeshiyaatka Kooxda Ridada Soomaaliya.
Dhankiisa maamulka Puntland ayaa murtad Xasan Sheekh Maxamuud ku edeeyay in uu dagaalka Raaskambooni u adeegsaday diyaarado Drons ah isaga ugu baaqay gaalada caalamka in ay dib usoo celiyaan cunaqabateyntii laga qaaday Kooxda Ridada.