Xaalad colaadeed ayaa weli ka taagan inta u dhaxayso degmooyinka Xarshin iyo Yoocaale ee ka kala tirsan gobollada Faafan iyo Jarar ee dhulka Soomaali-galbeed ee gumeysiga xabashida ku hoos jira.
Dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Dacawaley ee u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyada Liyuu booliska ahashaada la dirirka ah ayaa reebay saamayn xoog leh.
Maleeshiyaadka Liyuu booliiska ee Mustafe Cagjar ka amar qaata ayaa lasoo wariyay inay ku adkaatay inay maydadkooda kasoo daabushaan goobihii lagu dagaallamay, kaddib markii ay ka biya diideen dadka deegaanka oo ah kuwa xasuuqyada loo gaystay, guddi dhexdhexaadin ah ayay wararku sheegayaan in uu ka shaqeeyay in 32 saacadood kaddib la qaado mayadka maleeshiyada Liyuu booliska.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in maamulka Mustafe Cagjar uu illaa 6 gaadiidka gurmadka deg degga ee Ambalaasta u diray goobihii lagu dagaallamay, si ay halkaas uga daabulaan mayadka maleeshiyadiisa, kuwaas oo sida ilo wareed dhanka deegaanka ah sheegay lagu kala aasay Yoocaale iyo Dhagaxbuur.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gaadiidka nooca gurmadka deg degga ee Ambalaasta oo lagu daabulayo maydadka ciidanka Liyuu boliiska.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale faafiyay muuqaal ay ku sheegayaan in ay qabsadeen mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee maleeshiyaadka Musatafe Cagjar, kaasi oo ay muuqaalkiisu ku faafiyeen baraha bulshada.
Xaaladda Dacawaley iyo deegaannada ku xeeran ayaa ah wali mid cakiran, xilli walbana waxaa la filan karaa dagaallo dhexmara dadka shacabka ah iyo maleeshiyada Liyuu booliska.
Maamulka Musatafe Cagjar ayaa soo howlgaliyay maleeshiyo badan, kuwaas oo qaarkood laga keenay ismaamulka Cafarta, sida ay dadka deegaanka soo sheegeen, dhanka dadka shacabka waxaa soo gaaray gurmadyo kala duwan.
Saraakiisha maleeshiyaadka Liyuu booliska ayaa lasoo wariyay inay ku sugan yihiin aagga degmada Yoocaale, halkaas oo ilo wareedyo sheegayaan inay ka agaasimayaan xasuuq kale oo ka dhan ah dadka deegaanka ee ka dhiidhiyay gaboodfalladooda.