Wararka aan ka heleyno deegaanka Calaag oo dhaca xadka u dhexeeya gobolada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegaya in dad badan ay ku dhinteen halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen kadib iska horimaad xooggan oo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in tirada dhimashada labada dhinac soo gaaray ay kor u dhaafeyso 5 ruux iyo dhaawaca tobaneeyo kale.
Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, iyadoo wararku ay sheegayaan in maleeshiyaadka ay weli isku horfadhiyaan goobta dagaalka sidoo kalena ay soo kala gaarayaan kurmadyo ciidan.
Dagaalkan ayaa qayb ka ah dagaalo mudooyinkan dambe soo laalaabanayay ayaa yimid todobaadyo uun kadib markii lix askari oo ka tirsan kooxda ridada, lagu dilay degmada Ceel baraf ee Shabeellaha Dhexe sababo la xiriira aano qabiil. waxaana xusid mudan in dagaaladan ku soo noqnoqday deeganada ay ka taliyaan kooxda ridada iyo maamulada ka hoos shaqeeya ay hurinaaayn saraakiil ka tirsan murtadiinta.
Guddoomiyaasha degmooyinka Jalalaqsi iyo Mahadaay ee maamulka Hirshabelle ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin hurinta colaaddan ka aloosan deegaan beereedka Calaag