Dagaallo Lagu Jabiyay Maleeshiyaadka Ridada oo Ka Dhacay Duleedka Maxaas.

Jul 23, 2025

Hiiraan:

Dagaallo xooggan oo u dhaxeeyey ciidamada Mujaahidiinta iyo maleeshiyaatka ridada ayaa galabta waxay ka dhaceen deegaan lagu magacaabo “Buubiso” oo qiyaastii 6km u jirta magaalada Maxaas ee wilaayadda Hiiraan.

Dagaalladaasi ayaa si weyn loogu jabiyey murtadiinta waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo cadowga gaaray.

Dhawaan ayey ahayd markii Mujaahidiinta ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Hiiraan oo ay kamid tahay degmada Moqokori, halkaasi oo laga sifeeyey murtadiintii ku sugneed.