Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in weerar diyaarado iyo madaafiic loo adeegsadey ay ka dhaceen magaalada Daling ee ku taalla gobolka Koonfurta Kordufan.
Weeraradan diyaaradaha loo adeegsadey oo ay fuliyeen maleeshiyaadka RSF ee daacada u ah dowlada Ridada Imaaraatka Carabta ayaa sababay dhimashada dad badan iyadoo dhinaca kale ay sare u kacdey maciishada dalkaas.
Bulshada ku dhaqan magaalada Daling ayaa wakaalada wararka ee Reuters uga warramay xaalladaha adag ee ay wajahayaan, waxaaney sheegeen in daawadu gabaabsi tahay, islamarkaana dad badan ay u dhinteen daryeel la’aan caamifaad.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in heerka gaajo ee ka jirta magaalada ay gaartey meel halis ah, taas oo sababtey in dadku ay ku qasbanaadaan in ay cuno ahaan u isticmaalaan caleenta geedaha iyo haraga xoolaha, si ay helaan wax ay ku noolaadaan.
Weerarka ka dhacay magaalada Daling iyo xaallada adag ee laga soo sheegayo, ayaa kusoo beegmaya xilli militeriga Suudaan uu Isniinta lasoo dhaafay ku dhawaaqay in ay jabiyeen go’doomintii ay muddo ka hor magaalada kusoo rogeen kooxda RSF.
Maleeshiyaadka RSF ayaa ahmiyad ballaaran siinaya gobolka Kordufan ee caanka ku ah kheyraadka shidaalka (naaftada), kadib markii ay la wareegeen magaalada Al-Faashir ee gobola Daarfuur.
Dhanka kale, ugu yaraan 13 shaqaale ayaa dhintey 6 kale-na waxaa soo gaarey dhaawacyo, kadib markii ay kusoo dumeen illaa 5 ceel oo ay ka qodoyeen macdanta Dahab, kuwaas oo ku yaallay gobolka Koonfurta Kordufan ee ay dagaalladu ka socdaan.
Dagaalka Suudaan ee soo bilowday 2023-ka, islamarkaana u dhexeeya RSF iyo militeriga Suudaan ayaa dhulka geliyay dhaqaalaha dalkaas, iyadoo dad badan ay waayeen shaqadii ay haysteen ka hor inta uusan dagaalku qarxin.
FAAFREEB PRO