Dad ka badan kun qof oo ku Naf-waayay Roobab Mahiigaan ah oo ka Da’ay Dalka Suudaan.

Sep 2, 2025

Roobab mahiigaan ah oo sababay dhul-go’ baaxad leh ayaa burburiyay guud ahaan tuullo ku taal galbeedka gobolka Daarfur ee dalka Suudaan, waxaana ku dhintay dad lagu qiyaasay inay ka badan yihiin 1,000 qof, sida ay sheegeen jabhadda maamusha deegaankaasi.

Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Sudan oo ka barbar dagaallama ciidamada Suudaan ayaa goor dambe oo xalay ahayd soo saaray bayaan ay faafiyeen wakaaladaha wararku oo ay kaga warbixiyeen masiibada ka dhacday buuraha loo yaqaan Marra oo ku yaalla gobolka Darfur.

Jabhaddu waxay sheegtay in dhul go’ani uu dhacay Axadii lasoo dhaafay, kadib roobab mahiigaan ah oo muddo dhowr cisho ah ka da’ayay deegaankaasi, kuwaas oo dhulka la simay tuulada Taaraasiin, waxaana ka badbaaday hal qof oo kaliya, sida lagu sheegay bayaanka.

“Xogtii ugu horreysay waxay muujineysaa dhimashada dhammaan dadka degganaa tuulada, oo lagu qiyaasay in ka badan Kun qof, waxaana badbaaday hal qof oo kaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay kooxdan u dhaqdhaqaaqda xoraynta Suudaan ee ka hawl-gasha deggaankaasi.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inay adag tahay sidii loogu gurman lahaa dadkaasi isla markaana ay waqti badan qaadan doonto in la soo saaro maydadka ku hoos jira dhul-go’aasi, maadaama aaggaasi uu yahay dhul buuraley ah oo sida la sheegay xitaa aan lagu gaari karin baabuur ama gaadiid kale toona.

Musiibadan ayaa kusoo aadaysa iyadoo dagaalka Sudan ka socda oo hadda galay sannadkii saddexaad – uu waddanka sii gelinayo mid ka mid ah xasaradaha bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka , iyadoo sidoo kalena laga qaylo-dhaamiyey macaluul daran oo ka jirta qaybo ka mid ah gobolka Daarfuur.

Dadkan ay musiibadu haleeshay waxaa ka mida barakacayaal gabbaad u doontay buuraha Marra kadib markii ay isaga qaxeen dagaallada culus ee u dhaxeeya ciidamada Suudaan iyo maleeshiyaadka uu Imaaraadku taageero ee Dacmu Sariic ee ku sugan waqooyiga gobolka Darfur, sida ay xaqiijisay wakaaladda wararka ee Reuters.