Wararka ka imaanaya wadanka kenya ayaa sheegaya in dabaylo xoogan oo ku dhuftay gobolka Lamu ay sababeen in la waayo dad aad ufarabadan halka ay qalibmeen tiro doomo ah.
War kasoo baxay mid kamid ah hay’adaha ka shaqeeya gurmadka ee Kenya ayaa lagu sheegay in ilaa Saddex doomood ay qalibmeen, kuwaas oo ay dad badani saarnaayeen.
Xukumada Nayroobi ayaa sheegtay in lasoo badbaadiyay tiro yar oo dadkaasi kamid ah balse kuwa kale oo badan wali la’yahay.
Ciidanka ilaalada xeebaha Kenya ayaa ku guuldaraystay in ay soo helaan inta badan dadkii saarnaa doonyaha qalabmay nolol iyo geeri toona.
“Saddex shil oo doon ah ayaa la soo sheegay saaka – Vidazini iyo Mnarani oo ka tirsan Kilifi iyo Mutuni oo ka tirsan Lamu. Dhowr qof ayaa la soo badbaadiyay, iyadoo dadaallada baadigoobka ah ay socdaan inkastoo xaaladda badda ay kacsan tahay.” ayuu yiri sargaal uhadlay dowlada Kenya.
Dhacdadaani ayaa imaanaysa iyadoo mudooyinkii dnabe dabaylo aad uxoogan ay ku dhufteen xeebaha badweynta Hindiya, iyadoo ay soo baxayaan digniino horle.
Maalinkii jimcaha aynu soo dhaafnay ayeey aheyd markii sagaal wiil oo dhalinyaro ah ay qaaday xeebta Mogdisho kuwaas oo ilaa iyo hada kaliya labo kamid ah maydadkooda la helay.
FAAFEEB PRO