Abbaaro 11:00 habeennimo ee xalay, diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa duqeyn ku bar tilmaameedsaday shirkad weyn oo soo saarta biyaha nadiifka ah ee la cabo, taasoo gabi ahaanba burburtay kadib markii ay ku dhaceen 6 gantaal. Sawirrada la soo qaaday shirkada ayaa muujinaya heerka burburka shirkadda, mana jiraan wax u badbaaday, haddey ahaan lahaayeen matooradeedii, mishiinadii biyaha sifeynayay, lacago iyo agab kala duwan oo ay warshaddu ku shaqeyneysay.
Cabdullaahi Xasan oo ah gudoomiye ku-xigeenka Shirkadda Biyaha ee Daruur ayaa sheegay in ay biyo siin jireen magaalada Saakow iyo nawaaxigeeda. Wuxuu xusay in Daruur ay ahayd Shirkad ay ku mideysan yihiin saamiley Soomaaliyeed oo laga garanayo magaalada, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in saliibiyiintu u bareeraan burburinta hantida dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed.
Warshada Daruur ayaa biyaha nadiifka ah ee ay siin jirtay qaybo badan oo kamid ah gobollada Jubooyinka, Gedo, Baay iyo Bakool, waxaa biyaheeda looga maarmay biyo laga keeni jiray wadanka Kenya kuwaas caafimaad ahaan aad u liitay dhanka kalena dhaqaale badan looga qaadan jiray shacabka Soomaaliyeed.
Sida uu sheegay Cabdullaahi Xasan, waxaa duqeynta ku baaba’day hanti ku dhow saddex boqol kun oo doolar, waana markii labaad oo ay diyaaradahan duqeyn ku burburinayaan shirkadda Daruur.
“Qof bani’aadam ah oo nool ma jiro oo wax ku noqday, balse hantidaas ayaa ku baaba’day oo aad u farabadan oo qaali ah, lacag gaareysa 2 boqol iyo sideetan ku oo doolar ayaa ku baaba’day” sidaasi waxaa yiri, Gudoomiye ku-xigeenka shirkadda biyaha Daruur, Cabdullaahi Xasan.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.
