Waxaa la faafiyay sawirrada duqayntii cadowtooyo ee diyaaradaha dagaalka ee dowladda saliibiyada ah ee Itoobiya ku beegsadeen suuqa degmada Jilib ee wilaayada islaamiga Jubbada dhexe, halkaas oo ay kusoo tuureen fuustooyin ay ka buuxaan shidaal.
Sawirrada ayaa muujinayay sida ay fuustooyinkaasi shidaal ee diyaaradaha saliibiyiintu soo tuureen u gubeen suuqa degmada Jilib iyo jaamacadda Al-qimmah, waxay na halkaas ku burburiyeen hanti badan oo ganacsatadu lahayd iyo dhismeyaasha ganacsiga, duqaymahan ayaa ah kuwa ku cusub Soomaaliya, waana siyaasad ay isla qaateen Itoobiya iyo maamulka Xassan Gurguurte oo lagu doonayo in lagu baabi’iyo magaalooyinka dalka laguna gubo dhulka dhirta leh eey xooluhu daaqaan, dhul badan oo Shabeellada dhexe iyo Hiiraan ah ayay sidaan oo kale fuustooyinkaas ugu tuureen maalmihii la soo dhaafay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.