Cudur Halis ah oo ka Dillaacay Koonfurta Itoobiya.

Nov 19, 2025

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in cudur halis badan uu ka dillaacay gobollada dhaca Koonfurta wadankaasi.

Wasaaradda caafimadka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in Virus-ka loo yaqaan Marburg uu ku faafay gobollada Koonfureed islamarkaana uu laayay tobaneeyo qof.

Saraakiil caafimaad ayaa sheegay in ugu yaraan 12 ay ku dhinteen deegaanka Arzi Zone halka boqolaal kale ay jiifaan isbitaallada kala duwan ee gobolka.

Cudurka Marburg virus oo u eg Eboola ayaan weli loo helin wax daawo ah, dhaqaatiirtu waxay sheegeen in calaamadihiisa ay kamid yihiin qandho daran,Matag iyo shuban waxaase ugu daran dhiig baxa gudaha iyo maqaarka intaba.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya oo hadda hoggaamiyo hay’adda WHO ayaa xaqiijisay in Virus-kan uu si xowlli ah ugu faafayo gudaha Itoobiya.

Heerka dhimashada ee Furuqa Marburg virus ayaa udhaxaysa 84% illaa 90%, warbixinnadu waxay tibaaxayaan in dadka uu cudurkan haleelo ay badanaa dhintaan balse dadka helo daryeel caafimaad oo tayo leh ayaa la arkaa in ay badbaadaan.

Itoobiya oo uu dagaal sokeeye ka holcayo ayaa lasheegayaa in haddii uu Virus-ku usoo gudbo gobollada waqooyi ay kumanaan kun udhiman doonaan