Ciidul Adxaa Mubaarak Hambalyo iyo Duco Ka Socota Bogga Faafreeb Pro.

Jun 5, 2025

Maamulka iyo dhammaan bahda Bogga Faafreeb Pro waxay dhamaan umadda Muslimiinta ah ugu hambalyaynayaan munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxaa 1446H / 2025M.

Waa maalin weyn oo xasuus galinaysa iimaanka, naf-hurnimada, Waa maalin barako leh oo midnimo, mahadnaq, iyo is cafin lagu yaqaano.

Waxaa habboon in la xasuusto dadka saboolka ah, agoonta, iyo kuwa baahan, iyo sidoo kale muslimiinta ku dhibaataysan daafaha caalamka, loona duceeyo sida ay shareecadu ina farayso.

Waxaan Alle ka baryeynaa in uu naga aqbalo acmaasheena wanaagsan ee aan soo gudanay, qalbiyadeennana ku sugo iimaanka, cibaadada iyo isu naxariisasho, ciidan ciideeda xigtana nagu gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.

Bogga Faafreeb Pro wuxuu markasta u taagan yahay sidii aad u heli lahaydeen warar hufan, xog xaqiiqo ah, Inshaa Allaah.

Ciid wanaagsan dhammaantiin.