Qolqolotooyinka ka socda gudaha Itoobiya ayaa xarkaha goostay, waxaanay wararkii u dambeeyey sheegayaan in 8 qof oo rayid ah ay ciidanka Xabashida Itoobiya ku dileen gobolka Amxaarada, gaar ahaan degmada Antsokia Gemza (Ensookiya Gamza) ee Waqooyiga Shoa.
Jabhadda Fano ee u dhaqdhaqaaqda Amxaarada ayaa dilkan cambaaraysay, waxaanay sheegtay in dadkaasi rayidka ah lagala baxay guryahooda kadibna la laayay.
Kooxda Fano waxay ku eedaysay ciidanka dowladda in ay si bareer ah u gumaadayaan dadka rayidka ah iyagoo kaga aar-goosanaya guul-darrooyinkii kasoo gaaray dagaalladii ka dhacay deggaannadaasi.
Sida ku cad bayaanka Fano, ciidamada dawladdu waxay guri guri u galeen iyagoo si xooggan u garaacay albaabada, xoog baanay kusoo saareen dadkii degganaa kadibna waa ay laayeen.
Dhowr qof oo waayeel ah, Aabbe iyo wiilkiis iyo sidoo kale labo ruux oo walaalo ah ayaa ka mid ahaa dadkii ay xasuuqeen ciidanka Xabashida Itoobiya.
Gummaadkan cusub ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan hey’adaha sheegta inay u dhaqdhaqaaqaan xuquuqda aadanaha ay soo tebiyeen dilal soo noqnoqday iyo weerarro ay fulinayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo labadii sano ee lasoo dhaafay si joogta loogu beegsanayay dadka rayidka ah ee ku nool deegaanka Axmaarada.