Taliska Mareykanka ee qaaradda Yurub ayaa shaaciyey in gacanta ay ku dhigeen markab shidaal oo ku gooshayay badweynta waqooyi ee Atlaantiga.
Markabkan oo la sheegay in horey loogu magacaabi jiray Bella-1, haatanna loo bixiyay Marinera, ayaa xiriir la leh Venezuela isla markaana isku diiwaangeliyay calanka Ruushka.
Maamulka Washington wuxuu sheegay in amarka qabashada markabkan ay bixisay maxkamadda federaalka Maraykanka, kadib markii lagu eedeeyey xadgudubyo ka dhan ah cunaqabateynta Mareykanka.
Waxa la sheegay in Markabkani oo daba-gal lagu hayay uu baxsad ahaa in ka badan laba toddobaad, kaas oo la sheegay inuu diidday kormeerka Ilaalada Xeebaha Mareykanka.
Ciidamo badeed Ruush ah, oo wata gujisyo ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen agagaarka hawlgalka, kaas oo ka socday meel u dhow Iceland.
Hawlgalkan ayaa lagu tilmaamay kiis aad u dhif ah, maadaama inta badan aanay dhicin in Mareykanku isku dayo inuu la wareego markab wata calanka Ruush-ka.
Dowladda Venezuela ayaa ku tilmaantay tallaabooyinkan afduub iyo isku day xatooyo ka dhan ah kheyraadka shidaalka, halka Mareykankuna uu ku eedeeyay Venezuela inay lunsatay danaha shidaal ee Mareykanka.
Dhacdadan waxay ku soo aadday cadaadisyo ballaaran oo Mareykanku saaray Venezuela, isla markaana madaxweynihii dalkaasina uu ka qaaday tallaabo millateri, una taxaabay xabsiga.