Xilli todobaadyadii u danbeeyay ay soo baxayeen cabashooyin ka imaanaya maleeshiyaadka murtad Saciid Deni ee ku sugan gobolka Bari, ayaa mar kale la soo warrinayaa gadood ciidan oo ka dhacay magaalada Boosaaso.
Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa loogu yeero Daraawiishta oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay maanta xirteen laamiga dheer ee magaalada, iyagoo halkaasi ka sameytay isbaarooyin, iyagoo baarayey gawaarida ka imaanaya dhanka dekada.
Dhanka kale meleeshiyaaadka macawiisleyda ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa dhankooda ka cabanaya xuquuq la’aan iyo in kooxda Ridada ay uga baxday ballamo ay horey uga qaadey.
Ma ahan markii ugu horreysay ee maleeshiyaadka Ridadu sameeyaan gadoodyo noocaan oo kale ah, balse maamulada ashahaada la dirirka ah ayaa ku sifoobay inay mar walba maleeshiyaadkooda kaga tagaan meel cidlo ka dib markii ay danahooda ka gaaraan.
FAAFREEB PRO