Kaddib 735 maalmood oo duullaan cudwaan ah uu ku socday shacabka magaalada Qaza ayay ugu dambeyn ciidamada yahuudda sahyuuniyadda billaabeen in ay isaga baxaan magaalada iyagoo dullaysan oo guuldarro madax laraaricinaya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay la diiwaangaliyey sawirro cajiib ah.
Wararka ka imaanaya dhulalka falasdiin ayaa sheegaya in ay dhaqan gashay xabad joojintii ay kala saxiixdeen xoogaga muqaawamada iyo yahuudda sahyuuniyadda.
Saacaddu markii ay ku beegneed 12;00 duhurnimo ee waqtiga maxalliga ah ee shalay ayay askarta yahuuddu billaabeen in ay faarujiyeen xaafadaha kala duwan ee marinka Qaza, waxaana joogsaday dhammaan duqeymihii iyo dagaalladdii sida isdaba joogga ah uga socday magaalada muddo 2 sano iyo maalmo ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha Qaza ayaa shacabka magaalada ugu baaqday in ay si taxadar leh dib ugu laabtaan guryahooda ayna ka feejignaadaan dhagaraha cadowga, boqolaal kun oo katirsan shacabkii guryahooda isaga barakacay ayaa durbaba billaabay in ay dib ugu laabtaan, balse xaaladu waa mid sidii hore ka duwan oo naadir in la arko guri taagan.
Walow farxada ku timid sabar iyo sugnaan iyo muqaawameyn ay heleen shacabka reer Qaza, hadana waa kuwa badankooda aanan heysan hoyaad inkastoo lagu wado in marinka ay ka bilaabato dib u dhis noloshana lagu soo celiyo sideedii hore.
Golaha wasiirrada kiyaanka sahyuuniga ayaa shir ay yeesheen ku meelmariyay heshiiska lagusoo gaba gabaynayo dagaalka Qaza.
Binyamin Netenyaahu oo wajigiisa guuldarro laga dareemayay ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay, inuu ku qasbanaaday saxiixa heshiis walba oo lagu soo daynayo maxaabiista yahuudda lagunasoo afjarayo dagaalka waqti badan qaatay ee Qaza.
Xoogagga muqaawamada falasdiin ayaa iyana bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay sameeyeen wax walba oo shacabka Qaza looga dulqaadi karo heeryida gummeysiga, Labo sano kadibna ay Allah mahadii ay suuragashay iney ehelkooda marinka kusoo laabtaan iyagoo madaxoodu koryahay, halka askarta kayaanka sahyuuniga ee kibirka isla qaad qaadayeyna ay warbaahintu soo tabisay, iyagoo luqunta foorarinaya dhabarkana ku sita guuldaro lagu diiwaangalin doono sadarada taariikhda.
FAAFREEB PRO