Ciidamada Uganda Oo Boob Iyo Tacaddi Kula Kacay Beeralayda Deegaanka Golweyn.

Apr 15, 2025

Marba marka ka danbaysa waxaa sii xoogaysanaya tacadiyada iyo dhibaatooyinka ay ciidamada kufaarta Afrikaanta ee dullaanka jooga wadanka ay ku haayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada-Hoose ayaa ku waramaya in ciidanka saliibiyiinta uganda ay xadgudubyo kula kacayaan beeralayda Soomaaliyeed ee ka faa’idayasnaya kheyraadka dalkooda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayeey weeraro xoogan ku qaadeen dad shacab ah oo ka shaqaynayay beer ku taalla deegaanka Golweyn, iyaga oo sidookale madaafiic ku garaacay.

Beeraha ay hada dhibaatada ka wadaan ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayeey qeyb kamid ah xoog ku dageen iyaga oo intii kale ee soo hartay doonaya in ay ka barakiciyaan dadkii lahaa.

Qaar kamid ah beerlayda gobolka Shabeellada-hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa shegay in beerahooda iyo shaqaalaha ay ka shaqaynaya ay halis ku hayaan sidookalane ay xoog ku gurtaan dalaga ku yaalla.

Tani ayaa qeyb ka ah tacadiyada ciidamada saliibiyiinta ee dulalanka ku jooga wadanka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, gobolmka Shabeelada-hoose ayaana kamid ah goobaha ugu badan ee ay ka dhacaan dhibaatooynkaas oo ay gaystaan ciidanka saliibiyiinta Uganda.