Ciidamada dowladda Tanzania ayaa xabsiga dhigay laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Booliiska dowladda Kenya, kuwaas oo xilliga la qabanayay ku jiray isku day ay uga tallaabaan xuduudka.
Warbixin uu soo saaray Booliiska Lungalunga ee ka tirsan ismaamulka Kwale ee dalka Kenya, ayaa tilmaantay in labada sarkaal ee la qabtay ay kala yihiin Patrick Kithinji iyo Axmed Cali, kuwaasoo ka howlgalayay xafiiska dambiyada ee Saldhigga Booliiska Tononoka.
Saraakiishan ayaa gacanta lagu dhigay 6-da bishan January, waxayna xilliga la qabanayay isku dayayeen inay ka gudbaan xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Tanzaaniya, waxayna xilligaas ku howlanaayeen sida Booliisku sheegay in ay soo qabtaan nin lagu magacaabo Cumar Cali oo ay ku eedeeyeen in uu si khiyaano ah lacag ku qaatay.
Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya waxay sheegeen in saraakiisha la qabtay ay ku hubeysnaayeen laba baastooladood oo min shan iyo toban qaad ah, iyaga iyo hubkooda ayaa la xiray, wallow warbixin dambe oo maanta soo baxday lagu sheegay in dib loo sii daayay.
Labada sarkaal iyo saddex Kenyan ah oo midi yahay darawalka gaariga ay wateen saraakiisha oo ay leedahay hay’adda horumarinta xeebaha Kenya, ayaa la sii daayay.