Calool-uusta Ridada Bangaraaf oo dad Beerallay ah ku Xasuuqay Duleedka Afgooye.

Nov 8, 2025

Ciidamada Bankarafta ee ridada waxay xalay weerar arxan-darro ah ku qaadeen tuulo dad beeraley ah ay ku noolyihiin oo la yiraahdo Danniga Baallow oo dhacda inta u dhaxaysa degaanka Basra iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Dadka degaanka ayaa goor dhow inoo sheegay in ay dhibaato badan kala kulmeen ciidankan kuwaasoo dilay sadax qofi islamarkaana dhaacay sadax kale.

Sadaxda qof ee ay dileen 2 kamid ah waa ilmo yaryar, qofka sadaxaadna waa wiil da’da qaangaarka ka gudbay oo tabargal ah.

Dadka ay dhaawaceen labo kamid ah waa haween midna waa rag, waxaa lagu hawlan yahay xilligan aaska meydadka.

FAAFREEB PRO