Sida ay wararku tibaaxayaan cabsi xooggan oo dhinaca ammaanka ah ayaa soo food-saartay ciidamada Maraykanka ee ku sugan saldhig millateri oo ay ku leeyihiin xeebta gobolka Laamu oo ka mida dhulalka muslimiinta ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Ciidamada Maraykanka ee ka hawl-gala saldhigga lagu magacaabo Camp Simba, oo qayb ka ah duullaanka gardarrada ah ee lagu soo qaaday Soomaaliya, ayaa werwer xooggan ka muujiyey weerarro kaga yimaadda ciidamada mujaahidiinta Al-Shabaab.
Stars and Stripes oo ah warbaahin fadhigeedu yahay Washington, oo diiradda saarta arrimaha millateriga Maraykanka, ayaa sheegtay in cabsidaas darteed isbedel lagu sameeyey gudaha Camp Simba, isla markaana ciidamada laga saarayo teendhooyinka laguna wareejinayo guryo adag oo la dhisay.
Wargeyska oo soo xiganaya war kasoo baxay taliska 406-aad ee duulista hawada ee ciidamada Maraykanka ee USAFE-AFAFRICA, ayaa sheegay in isbeddelkani uu qayb ka yahay mashruuc ballaaran oo lagu xoojinayo amniga ciidamada Maraykanka.
Waxa kale oo warbixinta lagu xusay, in wejiga koowaad ee mashruucani uu yahay in 10 teendho lagu beddelo guryo Koonteenarro ah, kuwaas oo la mid ah kuwii ay ciidamada Maraykanku isticmaali jireen markii ay weerarka ku qaadeen dalka Ciraaq.
Warka kasoo baxay taliska 406-aad ee duulista hawada ee ciidamada Maraykanka ee USAFE AFAFRICA, waxa kale oo lagu xusay in guryahan cusubi ay ciidamada Maraykanka dareensiin doonaan nafis amni, si ay niyaddu ugu degto, una dhisanto kalsoonida ay ku qabaan gudaha xerada.
Stars and Stripes waxa kale oo uu sheegay in Saldhigga ciidamada Maraykanka ee Camp Simba, uu door laxaad leh ka ciyaaro taageeridda hawlgallada Taliska ee ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ee Soomaaliya oo dagaallo xooggani ay ka socdaan.
Warbixintu waxay sheegtay in xeradani ay sidoo kale bartilmaameed u noqotay ciidamada mujaahidiinta.
Wargeysku waxa uu soo hadal-qaaday weerarkii khasaaraha badan geystay ee halyeeyada Islaamku ay 2020-kii ku qaadeen Saldhigga ciidamada Maraykanka ee Manda Bay, oo qiyaastii hal mayl u jira Saldhigga kale ee Camp Simba.
Weerarkaasi oo lagu laayay askar iyo saraakiil saliibiyiin Ameerikaan ah isla markaana lagu gubay diyaarado badan ayuu wargeysku xusay in saraakiisha la laayay ay ku jireen laba duuliye oo lagu magacaabi jiray Dustin Harrison iyo Bruce Triplett.
Isku soo wada duubo, wixii ka danbeeyay weerarkii Manda Bay waxaa sii kordhay walaaca ay dawladda Maraykanku ka qabto amniga ciidamadeeda ee ku kala sugan saldhigyada Manda Bay iyo Camp Simba iyo guud ahaan wadanka.