Burcad Hubeysan oo Weerartay Ganacsato Soomaali ah Cape Town, Koonfur Afrika.

Jul 1, 2025

Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa laga soo sheegayaa dhacdo weerar oo ka dhan ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Burcad hubeysan ayaa weerar qorsheysan ku qaaday goob ganacsi oo ay Soomaalidu maamulayeen, halkaas oo dad Soomaaliyeed ay ku wax-yeelloobeen.

Dhacdadan ayaa si weyn uga argagaxisay bulshada Soomaaliyeed ee gudaha Koonfur Afrika ka ganacsada, kuwaasoo muddo dheer wajahaya halis joogto ah oo dhinaca ammaanka ah.

Weerarka ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugnaa xarunta ganacsi, sida la xaqiijiyay hal qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay rasaasta weerarkaasi, kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali.

Marka laga soo tago dhimashada, waxaa la sheegaya in laba qof oo kale oo Soomaali ah ay ku dhaawacmeen weerarka, kuwaasi oo si degdeg ah loogu qaaday xarun caafimaad si loogu dabiibo dhaawacyada ay qabaan.

Weerarkan ka dhacay magaalada Cape Town wuxuu markale iftiiminayaa halista joogtada ah ee heysata ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, kuwaasi oo si joogta ah u wajaha dhibaatooyin amni oo soo noqnoqday.