Majalada oo soo xiganeysa Isxaaq Bareyk oo ah khabiir militari oo yuhuudi ah soona qabtay xilal kala duwan hadana ah Janaraal sare, ciidanka lugta gumeystaha ayaa ku sugan marxaladii ugu liidatay, waxaana meelna lagu sheegin wax ka badan kala bar askartii lasoo diyaarinayey 20kii sano ee lasoo dhaafay.
Waxa uu masuulkan sheegayaa in marnaba aysan suuragal ahayn iney ka adkaadaan kooxaha muqaawamada Filsitiin intaba ay marxaladaan liidata ku suganyihiin ciidankooda lugta ee uu Binyamin Natanyaahu tan iyo sanadii 2023 oo dabka ku shubayey, “mana awoodi doono inaan maamul militari ka dhisno marinka Qaza” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Isxaaq Bareyk.
Waxa ay majaladu Macaariif warbixinteeda iyadoo sii socota ay sheegeysaa in Sadax meelood hal maal oo kaliya hadda ay joogaan ciidankii lugta, waxa uuna yiri Bareyk “Tirada ciidamada dhulka maanta waa saddex-meelood halmeel oo kaliya, waana mid ka fog sidii ay ahaan jireen labaatan sano ka hor”.
Gunaanudkii waxa uu masuulkan sheegayaa in taliyaha ciidanka uu ku dhacay qalakii ugu weynaa noloshiisa markii uu balan qaaday inuu ka adkaanayo kooxaha muqaawamada Filistiin iyagoo ku sugan marxaladaan quusta ah, waxa uu sidoo kale eedeyn u jeediyey Binyamin Natanyaahu uu ku tilmaamay mid ka waji leexasanaya xaqiiqada taala fagaaraha, iskuna dayaya in wali uu shacabka ku qanciyo guulo waxba kama jiraan ah.
FAAFREEB PRO