Ilo xog ogaal ah oo caafimaad ayaa warinaya in dadka cudurku haleelay gaarayaan ilaa 6000 oo qof. Cudurkan ayaa si xawaare leh ugu faafaya qaybo kamida Waqooyiga, Bartamaha iyo Koonfurta Daarfuur meelahaas oo badankood gacanta ugu jira Malleeshiyaadka RSF.
“Waxa laga diiwaangeliyey xaaladaha uu soo ritey Daacuunku ilaa 6000 oo kays halka 400 in ka badani u geeryoodeen cudurka” Babiker Hamadein Wasiirka Caafimaadka Gobolka Daarfuur.
Geesta kale waxa uu Babiker ku eedeeyay malleeshiyaadka RSF in ay dhaceen agabkii caafimaadka isla markaana burburiyeen kaabeyaashii dhaqaalaha. Dalka Suudaan ayaa ku jirey xaakad cakiran tan iyo 15 April 2023.
Dagaalka dabada dheeraadey ee Suudaan ayaa u dhexeeya Ciidanka Dowladda ee fadhigoodu yahay Port Sudan iyo Malleeshiyaadka RSF.