Binyamin Natanyaahu oo Ogolaaday Heshiis Xabad Joojineed.

Dec 10, 2024

Binyamin Natanyaahu ayaa u dambeyn garowsaday in maxaabiista ku jirta gacanta kooxaha muqaawamada Filistiin kaliya lagu soo deyn karo heshiis lawada gaaro.

Sida uu daabacay wargeyska Haaretz madaxa sahaayinada ayaa dhamaan ehelada maxaabiista ku jirta gacanta kooxaha wax iska caabinta waxa uu ku wargaliyey isagoo ay khuus ka muuqato in dadkooda ka maqan kaliya lagu soo deyn karo heshiis lala galo muqaawamada, waxa uuna yiri “Wixii nabada siiyey Koonfur ayaa Woqooyna nabad siin kara” oo uu ula jeedo heshiiskii ay la galeen ururka isugu yeera Xisbullah ee ay inta badan ku loolamayeen koonfurta Lubnaan.

Natanyaahu ayaa ehelada u xaqiijiyey inuu diyaar u yahay heshiis lawada gaaro si dib maxaabiistooda ay ugu helaan, balse joornaalka warbixinta daabacay ayaa yiri “ wey adagtahay in la rumeysto hadalkan kasoo yeeray Natanyaahu maadaama uu beenta caadeystay”.

Si kastaba ha ahaatee madaxa gumeystaha ayaa hada u muuqda mid khuus taagan ayna ku adagtahya is giijin intaan ka badan, maadaama ay dhalanteyd ay tahay bowda qaawiskii iyo boola xooftadii ahayd in muddo kooban ay uga takhalusayaan kooxaha muqaawamada Filistiin, shacabka Qaza ay musaafurin doonaan.

FAAFREEB PRO