Shacabka ku dhaqan magaalladaasi ayaa cadaadisyada kaga imanaya gumaysiga Kenya darteed wajahaya duruufo nololeed oo aad u adag, waxaanay maalmahan u dambeeyey samaynayeen mudaharaadyo xiriir ah oo ay kaga cabanayaan koronto la’aanta baahsan ee ka jirta magaalladaasi.
Ugu yaraan 4 Bilood ayaa lagu soo warramayaa inay dhibaatadan koronto la’aantu ka taagnayd magaallada Mandheera, taas oo saamayn xooggan ku yeelatay nolosha dadka, waxbarashada, ganacsiga iyo weliba goobaha caafimaadka. Waxaanay dadweynuhu sheegeen in maalin iyo habeenba aanay haysan wax koronto ah.
Duruuftan adag ee ka jirta magaalladaasi ayaa sababtay in dadku ay ka tallaabaan soohdin-beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Somaliya una gudbaan magaallada Balad Xaawo, si ay u helaan waxyaabaha daruuriga ah ee ku xiran korontada, sida barafka oo kale xilli cimiladuna ay tahay mid kulul, laguna jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Goobaha caafimaadka ee Mandheera ayay wararku sheegayaan inay qalabkooda baaritannada u gudbiyaan magaallada Beled Xaawo si ay u helaan koronto ay howlahooda kusii wadan karaan.
Dhibaatadan baahsan ee haysata shacabka Mandheera, waa qayb ka mid ah tacaddiyada uu gumaysigu ugu talo-galay inuu ku wax-yeelleeyo ama ku naafeeyo musliinta Soomaaliyeed. Isla markaana kaga hor-taagnaado wixii horumar ah ee ay samayn lahaayeen.