Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu xiray saraakiil sarsare oo katirsanaa ciidanka maamulka Jubbaland iyadoona boqolaal askari ay ugoosteen deegaanka Raaskaambooni.
Xilli uu maamulka Ashahaadda ladirirka Jubbaland wajahayo xaalad adag oo dhan walba ah ayay warar soo baxay sheegayaan in markale uu khilaaf soo kala dhaxgalay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada maamulkaasi.
Ilo wareedyo laga helay magaalada Kismaayo ayaa ku warramaya in Axmed Madoobe uu xabsi guri ka dhigay taliyihii ugu sarreeyay ciidankiisa isagoo dallacsiiyay saraakiil kale oo uu kalsooni ku qabo, dhowr sarkaal oo looga shakiyay in ay xiriir hoose laleeyihiin Xamza Cabdi Barre ayaa laxiray waxaana khal-khal laga dareemayaa daakhilka maamulka Jubbaland.
Arrin muujinaysa heerka uu gaaray khilaafka saraakiisha ciidamada ayaa ah in markale saaka aroortii ay askar iyo saraakiil ka badan 200 oo askari ay ka goosteen deegaanka Buurgaabo waxayna iska dhiibeen tuulada Raas Kaambooni oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaad katirsan kooxda Ridada soomaaliya.
Idaacadda Andalus ayaa ogaatay in 140 katirsanaa maleeshiyaadka maamulka Ashahaadda ladirirka Jubbaland ay xalay saqdii dhexe ka goosteen Buurgaabo saaka markii uu waagu barayay waxaa ka dabatagay ciidamo kale dhammaantoodna waxay gaareen Raaskmaambooni.
Taliyaha ciidamada lugta kooxda Ridada ayaa kala furfurid ku haya maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe isagoo adeegsanaya lacago boqolaal kun oo dollar ah, maleeshiyaadka maamulka Jubbaland oo ah calooshood ushaqeystayaal ayaa iyagoo aan dheg laqabto laheyn udabeyshanaya dhanka kooxda Ridada.
Shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale ay isku dhiibeen boqolaal askari taasi oo ka dhigan in dagaal ooge Axmed Madoobe looga itaal roonaan doono loollanada ka jira deegaannada kulaala Badweynta Hindiya ee Jaziiradaha ubadan sida Kudhaa,Buurgaabo iyo Madhawa.
Warar kale ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ku howllanyahay sidii uu isagu u hoggaamin lahaa ciidamada maamulkiisa kadibna uu duullaan ku qaadi doono deegaannada ay ku suganyihiin maleeshiyaadka kooxda Ridada.
Isbuucii lasoo dhaafay ayay labada dhinac ee is haya soo saareen amarro kala duwan oo midba midka kale ku amarayo ciidamadiisa in ay soo xireen.