AU oo Ogolaaday in Ciidamada Masar loo soo Daabulo Soomaaliya Xilli Itoobiya Sheegtay Inay Iska Difaacayso.

Aug 27, 2025

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay isku diyaarinayso sidii ay ciidamadeedu usoo biiri lahaayeen duullaanka ciidamada shisheeye ay ku joogaan dalka Soomaaliya.

Waxa loogu yeero golaha Amniga iyo nabad gelyada Ururka midowga Afrika ayaa shaaciyay in ay ogolaadeen in kumanaan katirsan ciidamada Masar lagu biiriyo howlgalka Afrikaanta AUSSOM kaasi oo horraantii sanadkan ay meelmariyeen golaha UN-ka.

Saraakiil katirsan xukuumadda Alqaahira ayaa sheegay in tababarro loosoo xiray cutubyo askar iyo saarkiil ah loo qorsheeyay in loo diro dalka Soomaaliya, Masaaridu waxay ku doodayaan in ciidamadan ay ka hoos dagaallami doonaan ururka midowga Afrika.

Inkastoo aan la ogeyn goobaha ay degi doonaan ciidanka Masar ayaa hadane waxaa soo baxayay warar sheegaya in lagu bedeli doono ciidamada Burundi ee ku sugan Sh/dhexe, oo la filayo in ay dhawaan ka bixi doonaan dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markii ugu horraysay ka hadashay go’aanka Midowga Afrika ee lagu ogolaaday ciidamada Masaarida, Suleymaan Dedefo oo ah safiirka Xabashida ufadhiya magaalada Muqdisho ayaa imaanshiyaha ciidamada Masaarida ee Soomaaliya ku sifeeyay kuwa aan waxba soo kordhin doonin islamarkaana xaaladda ugasii dari kara.

Isagoo wareysi bixinayay ayuu tibaaxay in Itoobiya ay iska difaaci doonto ciidamada Masar balse aysan iyadu hadda dareemeynin khatar weyn oo ay isaga filantahay halis walba, wuxuu carrabaabay in dowladda Masar ay diidantahay wax uu ugu yeeray horimarka Itoobiya.

Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in tallaabada ay Masaaridu qaadeen ay uga golleeyihiin muujinta joogitaankooda melleteri ee Soomaaliya maalmo ka hor inta aysan Itoobiya xarigga ka jarin biya xireenka ugu weyn ee qaaradda Afrika oo ay ka dhistay webiga Niil.