Isbuucyo kadib markii lasaxiixay heshiisyadii Nabadda Koongo ee ka dhacay magaalooyinka Washington iyo Dooxa ayay kooxaha fallaagada ah ee ay taageerto Ruwanda lawareegeen magaalo istiraatiiji ah oo dhacda Bariga wadankaasi.
Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Ruwanda ayaa ku eedaysay ciidanka Burundi in ay weeraro cir iyo dhul ah ka geysteen deegaanno ku dhow xuduudda Ruwanda ayna taageero xooggan siinayaan maleeshiyaadka mucaaradka jabhadda Xoreynta Ruwanda.
Ciidamada Burundi oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga ukaca iyo kuwa Drones-ka ayaa lagu eedeeyay in ay weeraro isdaba joog ah ku hayaan maleeshiyaadka kooxda M23.
Marka lagasoo tago eedaymaha culus ee loo jeedinayo dowladda Burundi ayay Koongo ku dhawaaqday in mucaaradku ay lawareegeen magaalada muhiimka ah ee Ofeera, xukuumadda Kinshaasa ayaa ku eedaysay Ruwanda in ay mas’uul ka tahay dagaallada dib usoo cusboonaaday ayna taageerayso fallagada.
“Ciidamada Burundi iyo Koongo oo adeegsanaya diyaarado iyo madaafiic ayaa weeraro kusoo qaaday deegaanno dhaca xuduudda Burundi waxayna si toos ah ujebinayaan heshiisyadii Nabadda ee Dooxa iyo Washington”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Rwanda.
Dowladda saliibiyadda Burundi oo kamid ah kuwa ugu faqrisan qaaradda Afrika ayaa ka ganacsata dhiigga ciidamadeeda iyadoo kumanaan askari udirtay dalal ay kamid yihiin Soomaaliya,Afrikada dhexe iyo Koongada Dimuquraadiga ah iyadoo ku lug leh gabood fallo iyo boobka hantida dadweynaha.