Magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee shalay askari ka tirsan maleeshiyada Riddada ayaa nin oday ah ku toogtay gudaha caasimadda, ilo wareedyo ayaa sheegay in askariga murtadka ah ee toogashada gaystay uu la socday mooto nooca Dhugdhugleyda loo yaqaan.
Odayga oo da’diisa lagu qiyaasay inay u dhaxayso 60/70 jir, ayaa la toogtay xilli uu la socday mooto Bajaaj, darawalka mootadan ayaa badbaaday, balse ninka odayga ah ayaa ku jira xaalad aad u culus.
Dhanka kale, Axmed Nuur Xassan oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu sheegay 20 jir, ayuu askari ka tirsan maleeshiyada murtadiinta ah saacadihii lasoo dhaafay dil bareer ah ugu gaystay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Askariga murtadka ah oo qayb ka ah maleeshiyo kooxda Riddadu u hubeysay inay lacag baad ah ka qaadaan dadka shacabka, ayaa lasoo wariyay in wiilka dhalinyarada ah uu gurigiisa ku weeraray, halkaas_na si bareer ah ugu dilay sida ay xaqiijiyeen ehellada wiilka.
Aabaha qoyska ayaa warbaahinta u sheegay in wiilkiisa inta aan la dilin ka hor ay maleeshiyadaan guriga kala baxeen hooyada, jirdil inay u gaysteen ayuu sheegay, ka dibna ay wiilkeeda si gar-darro ah ku dileen.
Sidoo kale dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in maleeshiyada murtadiinta ah ee dilka ka gaystay guriga kuyaal degmada Dayniile ay dhibaato xooggan ku hayaan dadka deegaanka.
Dhanka kale, magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan qaybta uu ka arrimiyo maamul goboleedka ashahaada la dirirka Puntland, dil ayaa ka dhacay, kaasi oo loo gaystay wiil dhalinyaro ah.
Dilka ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in uu ka dambeeyay askari ka tirsan maleeshiyada maamulka Ridada Puntland, wiilka la dilay oo Bajaajle ah ayaa la oran jiray Cabdullaahi Maxamed.