Wararka naga soo gaaraya wilaayada Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Shabaabul Mujaahidiibta ay galabta duleedka degmada Warsheekh qarax ugu dhigeen maleeshiyaad ka tirsan kuwa Kooxda Ridada Soomaaliya.
Qaraxa galabta ka dhacay duleedka Warsheekh oo lagu beegsadey maleeshiyaad lugeynayay waxaa lagu dilay 2 askari oo Murtadiin ah, halka mid kalana uu ku dhaawacmey.
Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo aadaya xilli saaka aroortii hore ay ciidamada Mujaahidiintu weeraro cagmarin ah ku beegsadeen illaa Afar xero oo maleeshiyaadka Ridada ay ku lahaayeen duleedka degmada Warsheekh.
Dagaalladii saaka ka dhacay duleedka Warsheekh waxaa Allaah fadligii lagu dilay 21 askari oo murtadiin ah, waxaana lgu dhaawacay 11 kale, halka lagu soo furtey hub, saanad ciidan iyo gaadiid ku dagaalka ah.
Halkan guji oo daawo Q-1 sawirrada weeraradii saaka ee duleedka Warsheekh.
Halkan-na ka daawo Q-2 sawirrada weeraradii saaka ee duleedka Warsheekh.