Sida uu daabacay wargeysa Yeni şafak ee kasoo baxa dalka Turkiga ciidamada isugu yeera Jeyeshka Xurta ah ee Suuriya ayaa saacadihii lasoo dhaafay dagaalo adag kula jira askarta Bashaar Al-Asad, iyagoo doonaya iney kala wareegaan magaalada Tadmur.
Jeyeshka Xurta ah ee Suuriya waa ciidamo ka amar qaata Mareykanka hada ka helaya fangareen xoogan si ay dagaalka u sii wadaan, waxay asalkooda kasoo goosteen dhanka ciidanka Bashaar Al-Asad wixii ka dambeeyey sanadkii 2011.
Intaas kadib dowladda Mareykanka ayaa ka faa’ideysatay iyadoo tababar ciidan oo heer saro ah ku siisay xerada ciidanka ee Al-Tanaf ee ku taala gobolka Deyru Zuur ee dhaca xuduuda beenaadka Sadax xagalka ah ee Suuriya, Ciraaq iyo Urdun.
Asbaabaha ay hada dagaalka ugu soo biireen ciidankan isugu yeera jeyshka xurta ah ee Suuriya ayey warbixintu ku sheegtay iney doonayaan iney la wareegaan magaalada muhiimka ah ee Tadmur, ka hor inta aysan ku dhicin gacanta kooxaha mucaaradka ee kacdoonka bilaabay, maadaama kursiga laga tuuuri rabo Bashaar Al-Asad iyaguna ay awood qeybsiga wax ka doonayaan waa iney helaan magaaladan oo ay muhiim u arkaan, ayaa la yiri.
Ciidanka ayaa nooqnayaa gacantii Labaad ee uu Mareykanku ku leeyahay gudaha Suuriya, iyadoo horay ay ugu joogeen askarta Kurdiyiinta ee Syrian Democratic Forces ee loo soo gaabiyo SDF.
Durbadiiba dalal badan ayaa usoo hanqal taagaya Suuriya iyagoo doonaya iney saameyn ku yeeshaan maamulka cuusb ee la sugayo inuu ka curto wadanka hadii xilka laga tuuro Bashaar Al-Asad iyo nidaamkiisuba.
FAAFREEB PRO