“Aqoonsiga Somaliland Miiska Ayuu Saaran Yahay” Lataliye Hore oo Donald Trump.

Aug 9, 2025

Xilli hadal-haynta aqoonsiga maamulka la baxay Somaliland uu cirka isku sii shareeray kadib markii xalay madaxweynaha Maraykanku uu si cad u bayaamiyey in arrintaasi ay miiska saaran tahay ayaa geesta kalena mid ka mida la-taliyeyaashiisii hore ee Donald Trump uu saacadihii lasoo dhaafay shaaciyey in Somaliland ay noqon doonto dal madax-bannaan.

Dr Waliid Faaris oo ah siyaasi iyo xeel-dheere American ah balse dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Lubnaan, horeyna usoo noqday la-taliyaha arrimaha dibadda ee Donald Trump sanadkii 2016, ayaa sheegay in Somaliland ay noqon doonto dawladda ugu da’yar ee haatan ka dhalan doonta Afrika.
“Somaliland waxay noqon doontaa dawladda ugu da’da yar ee madax-bannaani qaadata qaaradda Afrika, Koonfurta Suudaan ka dib…” Ayuu yiri Waliid Faaris, isagoo tallaabadaasi ku sifeeyey hadiyad loo fidiyay dunida xorta ah.
Sidoo kale Faaris oo faahfaahin ka bixinaya waxyaabaha ay reer-galbeedku ku xiisaynayaan aqoonsiga Somaliland ayaa waxa uu yiri “Waa qaran Afrikaan ah oo kasoo hor-jeedda jihaadiyiinta, xulofo la ah Maraykanka iyo Reer-galbeedka oo mamnuucay walaaltinimada Islaamka, waxaanu ka hor-tagaa jihaadiyiinta Soomaaliya…”.
Dr Waliid waxa uu sidoo kale qeexay in Somaliland ay marti-gelin doonto ciidamada Badda ee Maraykanka iyo NATO, kuwaas oo xannibi doona ayuu yiri maraakiibta dagaalka ee Khumayniyiinta oo uu ula jeedo Iran iyo ururrada ay taageerto.

“Ma sugi karo booqashada Ku soo dhawaada Somaliland qarniga 21aad.” Ayuu qoraalkiisa kusoo xayndaabay Waliid Faaris, oo si qoto dheer uga hadlay arrinta ictiraafka Somaliland, oo saacadihii lasoo dhaafay ay sidoo kale warbaahinta caalamku si weyn u hadal-haysay.

XIGASHO:SOOMALIMEMO